Madaafiic Lagu Garaacay Saldhigyada Shisheeyaha.

???????????????????????????????Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobalada Baay iyo Bakool waxey habeenkii xalay tiro madaafiic ah ku garaaceen difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur oo ah xarunta gobalka Bakool.

Jugta madaafiicda ayaa laga maqlayay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Bakool’iyadoona la xaqiijiyay in tiro madaafiic ah gudaha u galeen saldhigyada iyo difaacyada Xabashida Itoobiya.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha nafeet iyo mid ka hantiyadeed ee kufaarta Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay madaafiicda lagu gaaracay difaacyada ay ka smaeysteen degmada Xudur.

Madaafiicdan ayaa kusoo aadeysa iyadoo degmada Xudur ay ka mid tahay goobaha sida aadka ah loo hadal haaya iney ka baxayaan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.

Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga iyo difaacyada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose’iyadoona warar hoose ay sheegayaan iney jiraan khasaara naf iyo maal ah oo Kufaarta Amisom lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.

Calamada.com

Comments are closed.