Inka Badan 10 Askari American Ah Oo Afghanistan Lagu Dilay.

afghanistan-khariidad5743663Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya iney sii kordhayaan khasaaraha askarta Mareykanka kasoo gaartay weeraro culus oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan aya ka fuliyeen dalkaasi.

Weerarada oo isugu jira Camaliyad Istish-haadi Duqeyn iyo weerar Ingimaasi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhiga ugu weyn Nasaarada Mareykanka ee garoonka diyaaradaha Bagram ee Waqooyga Kaabul.

Webseedka Imaarada Islamiga Afghanistan qeybta Arabiga  http://alemarah-arabic.com ayaa baahiyay in weeraradaasi lagu dilay 12 askari American ah oo qaarkood ay u baqtiyeen dhaawacyadii kasoo gaaray weeraradaasi.

Dhanka kale Diyaarad Duuliye la’aan ah oo ay leeyihiin Kufaarta iyo Murtadiinta duulaanka ku jooga dalka Afghanistan ayaa kusoo dhacday deegaan ka tirsan gobalka Aruzjan ee dalka Afghanistan’iyadoona gabi ahaan diyaaradaasi ay gubatay.

Calamada.com

Comments are closed.