Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Muhiim Ah.

mujaahidiinta 544555Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey aroornimadii hore ee saaka dagaal culus ku qaadeen deegaanka Goof-gaduud Manaas oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Deegaanka waxaa fariisimo kal hore ka sameysteen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qeybta kabo qaadka u ah ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah gobalada Baay Bakool iyo Gedo.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmada Baydhabo iyo qaar badan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii muddo uu socday ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Maleeshiyaatkii Murtadiinta ee ku sugnaay deegaanka ayaa u qeyb samay kuwoo dhintay kuwoo dhaawacmay iyo tiro kale oo u carartay dhanka degmada Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta iney arkeen meydadka 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Federaalka’iyadoona ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Ganiimeysteen hub kala duwan.

Calamada.com

Comments are closed.