Inka Badan 40 Ruux Oo Ku Dhimatay Xabsi Ku Yaala Dalka Yemen.

Abyan YemenMas’uuliyiin Maxalli ah iyo ilo wareedyo dhanka Caafimaadka ah oo ku sugan magaalada Al-Xudeyda ayaa sheegay inay korortay tirada dadka ku dhintay duqeyn shalay gelinkii dambe ay geysteen diyaaradaha Isbaheysiga Carabta, iyadoo tirada dhimashadu ay gaartay 45 ruux oo ay Maxaabiis ku jiraan.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee Carabta inay duqeyn ku qaadeen Xabsi kuyaalla magaalada dacalka ku heysa Xeebta badda Cas ee Al-Xudeyda, waxaana xabsiga la duqeeyay oo kuyaalla deegaanka lagu magacaabo Al-Zeydiya, iyadoo ay ku xirnaayeen inkabadan 80 Maxaabiis ah.

Warbaahinta ku hadasha Afka Xuuthiyiinta waxay sheegeen in duqeynta Xabsiga lagu qaaday inay ku nafwaayeen 43 qofood, ayna ku dhaawacmeen tobonaan kale.

Xuuthiyiintu, waxay ku eedeeyeen Isbaheysiga Dowladaha Carabta ee Sacuudigu uu hoggaaminayo inay Afar weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen Xarun Booliis iyo Xabsi kuyaalla degmada Al-Ziidiya ee hoostagta magaalada Al-Xudeyda ee galbeedka dalka Yemen.

Kooxaha Shiicada ee Xuuthiyiinta ee ay  taageerto Dowladda Iiraan ayaa magaalada Al-Xudeyda qabsaday bishii August ee Sannadkii 2014, kadib markii duullaan ballaaran oo xilligaas ay soo qaadeen ay ku qabsadeen dhowr magaalo oo kuyaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Yemen.

Isbaheysiga Dowladaha daba dhilifyada Carabta ayaan illaa iyo hadda ka hadlin duqeynta khasaaraha dhalisay  ee diyaaradahooda ay ku qaadeen Xabsiga magaalada Al-Xudeyda, waxaana duqeyntani ay imaaneysaa, iyadoo bartamihii bishan ay diyaaradaha Sacuudigu duqeyn ku dileen inkabadan 100 Xuuthiyiin, kadib markii ay weerareen hool ay ku kulansanaayeen Boqollaal Xuuthiyiin oo kuyaalla magaalada Sancaa ee Caasimadda Wadanka Yemen.

Comments are closed.