Jeyshul Fatxi Oo La Wareegay Xaafado Ka Tirsan Xalab.

xalab-ingimaasiDagaal yahannada Isbaheysiga Jeyshul Fatxi ee ay ku mideysan yihiin qaar ka tirsan Jamaacaatka Jihaadiga iyo kuwa Kacdoonka ee dalka Suuriya ayaa isku sii fidinaya deegaanno hor leh oo dhaca galbeedka magaalada Xalab ee Waqooyiga dalka Suuriya.

Isbaheysiga Jeyshul Fatxi oo maalintii Jimcihii ee lasoo dhaafay ku dhawaaqay duullaan ballaaran oo ay ku doonayaan inay hareereynta kaga qaadaan magaalada ayaa sheegay in Ciidamadooda ay saacadihii lasoo dhaafay qabsadeen Xaafadaha kala ah Al-Xamdaaniyah iyo Seyfu-Dowlah, iyagoo horey ula wareegay Xaafadda lagu magacaabo Daaxiytul Asad iyo deegaanno kale oo dhowr ah.

Maalintii shalay waxay Xoogagga Mujaahidiinta weerar xooggan ku qaadeen dhismaha Akadeemiyadda Meliteriga ee magaalada Xalab, kadib markii ay ku dhawaaqeen  inuu billowday wejigii labaad ee howl-galka go’doon ka qaadista magaalada Xalab, waxayna doonayaan inay si buuxda ula wareegaan dhismahaasi, taas oo haddii ay suurta gasho ka dhigan in la qaaday hareereynta saaran Xaafadaha kuyaalla bariga magaalada, iyadoona uu furmayo jidka isku xira Xaafadda Al-Xamdaaniyah iyo deegaannada dhaca baadiyaha galbeed ee magaalada Xalab.

Dhinaca kalena Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in Saraakiil sar sare oo iiraaniyiin ah in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaallada ka soconaya magaalada Xalab.

Ilo wareedyo ku sugan dalka Lubanaan ayaa sidoo kale sheegaya Maleeshiyo ka tirsan Ururka Xizbu Sheydaan in lagu dilay dagaallada culus ee ka dhacay magaalada Xalab, waxaana tan iyo horraantii bishan October dalka Suuriya lagu dilay inkabadan 30 ka tirsan Maleeshiyada Ururkaasi.

Isbaheysiga Jeyshul Fatxi ayaa ku warramaya in Saraakiisha Iraaniyiinta ah inay qeyb ka ahaayeen Afartameeyo Maleeshiyaad Shiico ah oo ku halaagsamay Camaliyad Istish-haadi ah oo maalintii shalay walaal Mujaahid ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Xizbul Islaami Al-Turkistaani uu ku qaaday goob Talis u aheyd Cadowga oo ku taalla galbeedka magaalada Xalab, iyadoona gebi ahaanba uu bur buray dhismahaasi, islamarkaana ay ku dhinteen dhammaan Saraakiishi iyo Ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Dowladda Iiraan ayaa dhiig bax xooggan kala kulmeysa dagaalka ka soconaya dalka Suuriya, waxaana sanadihii lasoo dhaafay ay dalkaasi ku weysay Boqollaal ka tirsan Ciidamadeeda khaaska ah iyo Kumanaan Maleeshiyaad ah oo u dhashay dalka Afghanistan oo lagu soo tababaray Salgdhiyo meliteri oo kuyaalla gudaha dalka Iiraan.

Comments are closed.