Askarta Kenya Oo Burburin Iyo Boob Cusub Ka Bilaabay Beledxaawo.

beled-xaawo548Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Nasaarada Kenya dhibaatooyin xoogan kula dhaqaaqeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Nasaarada Kenya ayaa burburin xoogan ku bilaabay guryaha iyo dhismooyinka kale ee ku yaala degmadaasi’iyagoona sheegtay dhulalkii ay ka burburiyeen dhismayaasha iney yihiin dhul ay leedahay dowlada Nasaarada Kenya.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidka cagaf cagafta Kenya ay xaaqeen xaafado dhaca Koonfurta Beled Xaawo iyagoona silig ku wareejiyay dhul xuduud beenaadka dhaca.

Kenyaatiga ayaa kasoo gudbay soohdin beenaadkii hore waxayna magaalada Mandheere hoos gaynayaan xaafado Beled Xaawo katirsan oo ay kamid tahay xaafadda Dhabad illaa iyo isbilaaka weyn ee Beled Xaawo.

Shacab caraysan ayaa isugusoo baxay magaalada kuwaasi oo kasoo horjeedo burburinta ay Kenyaatigu ka wadaan magaaladooda balse ma joojin howlgallada ciidanka Kenya.

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanada xad beenaadka ku teedsan waxaana laga cabsi qabaa in Kenyaatigu ay kacdoon shacbi wajahaan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay dadajin doonto dhismaha darbi weyn oo la doonayo in lagu kala qoqobo shacabka soomaaliyeed

Comments are closed.