Mareykanka Oo Balaarinaya Dagaalka Faracyada Al-Qaacida Oo Ay Ku jirto AlShabaab.

drone1Wargeyska NEWYORK TIMES ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlayo qorshe cusub oo Mareykanka uu doonayo in uu ku wajaho dagaalka ka dhan ah faracyada Mujaahidiinta Al-Qaacida oo ay ku jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ah faraca ururka ee geeska Africa.

Wargeyskan oo soo xiganaya macluumaad xagga sirdoonka ah iyo saraakiil American ah ayaa daabacay warbixin uu cinwaan kaga dhigay: “Obama Oo Balaarinaya Dagaalka Lagula jiro Al-Qaacida Oo ay ku jirto Al-Shabaab” Wuxuuna tilmaamayaa in qorshahan uu yahay mid la doonayo in lagula dagaalamo kumanaan dagaalyahano ah oo jooga geeska Africa.

“Dagaalka sii xoogeysanaya ee military-ga Mareykanka uu kaga jiro Soomaaliya ayaa maamulka Obama ku hogaamiyey in uu balaariyo mindaarka sharciga ah ee lagu eegayo dagaalka ka dhanka ah AlQaacida, taas oo ah talaabo lagu sii xoojinayo awoodda madaxweynaha dhawaan la doortay ee Donald J Trump si uu ula dagaalamo kumanaan dagaalyahano Islaamiyiin ah oo ku sugan mandiqadda geeska Africa” ayaa lagu yiri warbixin lagu soo daabacay wargeyskan.

Saraakiil sarsare oo American ah oo uu soo xiganayo wargeyska ayaa sheegay in maamulka Obama uu go’aansaday in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab loo adeegsado ogolaansho uu meel mariyey Congress-ka oo ka dhan ahaa raggii ka dambeeyey weeraradii 11-kii September

“Maamulka Obama wuxuu go’aansaday in Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya loo tixgeliyo in ay qeyb ka tahay qorshaha “Loolanka Hubeysan” ee uu ansixiyey Congress-ka, Islamarkaana ka dhanka ahaa raggii ka dambeeyey weeraradii argigixisanimo ee 11-kii Sept” Sidaas waxaa NEWYORK TIMES u sheegay Saraakiil American ah.

Talaabadan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo qorshaha lagu kordhinayo ololaha duqeymaha cirka ah iyo howlgalada kale ee argixigiso la dirirka ee uu Mareykanku ka wado Soomaaliya kuwaas oo badankood lagu taageero ciidamada Afrikaanta iyo maleeshiyaadka kooxda ridada Soomaaliya.

Xeerkan ayaa markii hore ahaa mid ku kooban oo kaliya dalka Afghanistan, islamarkaana lagu ugaarsan jiray oo kaliya madaxda asalka ah ee Ururweynaha Al-Qaacida balse aanan wax saameyn ah ku lahayn faracyada kale ee Al-Qaacida ama meel ka baxsan dalka Afghanistan sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka.

Wargeysku wuxuu leeyahay: Siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan qubaro xagga sharciga iyo kuwa siyaasadda dibadda ah ayaa durbaba ka soo horjeesatay in maamulka Obama uu ansixintii 2001-dii ee Congresska ee beegsanayey AlQaacidada Asalka ah uu hadda u adeegsado Jamaacaadka kale sida Al-Shabaab oo kale oo aan iyaduba gabi ahaanba aduunka ka jirin xilligii la meelmarinayey xeerkaas.

Go’aankan ka dhanka ah mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo bisha soo socota, Islamarkaana lagu soo daro warqad la filayo in loo gudbiyo golaha Congress-ka.

Comments are closed.