Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

galgalaWararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi ka dhacay qarax culus.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay miinada haleeshay kaasi oo la xaqiijiyay inuu goobta ku burburay’sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland.

Gaariga miinada haleeshay waxaa si gaar ah u lahaa hey’ad gaaleeda Saarasan ee shaqadeedu tahay la dagaalanka dadka Muslimiinta.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ay fuliyeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Calamada.com

Comments are closed.