Muslimiinta Caalamka Oo Loogu Baaqay Iney U Gurmadaan Muslimiinta Barma.

barma55Gole ay leeyihiin Muslimiinta Rohongiya ee ku nool Waddamada Yurub ayaa Bayaan ay soo saareen waxay Muslimiinta Caalamka ku nool ugu baaqeen inay u gurmadaan walaalaha Muslmiinta ah ee gumaadka kala kulmaya Buudiyiinta, iyadoona Bayaanka uu tilmaamay in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay la barakciyay inkabadan Soddon kun oo Muslimiin ah, halka kumanaan kalena ay ka carareen deeganadii ay ku noolaayeen.

Tan iyo Bishii October ee lasoo dhaafay, Ciidamada Xukuumadda Baarma iyo Kooxaha Buudiyiinta ah ee ay taageeraan ayaa dilay inkabadan Afar boqol oo Muslimiin ah, waxayna gebi ahaanba gubeen Seddax deegaan oo waaweyn oo ay ku noolaayeen dadka Muslimiinta, iyadoo dhinaca kalena gobollada kuyaalla galbeedka dalka Barma ay weli kasii soconayaan howl-gallada lagu beegsanayo dadka Muslimiinta ah.

Dhanka kale dowladda daba dhilifka ah ee Bangladesh ayaa lagu soo warramayaa inay dib usoo celisay doomo ay la socdeen qaar ka tirsan Muslimiinta Rohingiya oo doonayay inay galaan dalkaasi , iyadoo Kumanaan Muslimiin ah ay todobaadyadii lasoo dhaafay u firxadeen dalka Bangladesh iyagoo ka cararaya xasuuqa iyo gumaadka ay kula kulmeen Ciidamada Dowladda Barma iyo Kooxaha Buudiyiinta.

Saraakiil u hadlay dowladan Cadowga ah ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay, Ciidamada ilaalada Xuduudda ee Dalka Bangladesh inay dib u celiyeen inkabadan kun ruux oo qaxooti ah oo ka tirsanaa Muslimiinta Rohingiya ee kasoo cararaya gumaadka ka socda dhulkooda ee ay ku heyso Xukuumadda Buudiyiinta ee Wadanka Barma, islamarkaana soo maciin biday wadanka jaarka la ah ee Bangladesh, hase yeeshee Maamulayaasha Wadanka Bangladesh ayaa go’aan ku gaaray inay dib u celiyaan dadkaas qaxootiga ah.

Comments are closed.