Weerar Gaari Dagaal Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gaarisa.

kufaarta-kenya1Wararka kusoo dhacaya xafiiska warqabadka idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xaqiijinaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidanka Mujaahidiinta ay weerar dhaba gal ah u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo leedahay xukuumadda Kenya.

Gaadiidka ayaa waxay kasoo baxeen degmada Gaarisa ee gumeysiga ku jirto waxayna kusoo socdeen deegaanka Galmagaala ee ka tirsan isla dhulka la haysto,markii ay marayeen kolonyada inta u dhaxeyso Galmagaalo Iyo Haluuqo ayay la kulmeen weerar dhaba gal ah.

Saraakiisha Mujaahidiinta ee ka hawl gala deegaanadaas waxay noo soo gudbiyeen in rasaas kadib qarax miino lala eegtay gaari nooca Beebaha loo yaqaano ah oo ay saarnaayeen askar Kenyati ah.

Marka qaraxu uu haleelay gaarigaas ayaa kolonyadii kale waxay isaga carareen goobtii lagu gubay gaariga,wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gudaha Kenya waxay xaqiijinayaan in 5 askari ay saarnaayeen gaariga halkaasna ay ku basbeeleen.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com