Baarlamaanka Holand Oo Meel Mariyay Nidaam Ka Dhan Ah Niqaabka.

niqaabka-212Baarlamaanka dalka Holland ayaa maalintii Talaadada ee shalay meel mariyay Sharci cusub oo mamnuucaya in haweenka Muslimaadku ay indha shareerka ku qaataan goobaha caamka ah ee bulshadu isugu timaado, iyadoo dadka Sharcigaas kasoo horjeeda ay sheegeen in go’aankaas lagu raalli gelinayo dadka kasoo horjeedo diinta islaamka.

Fadhi ay yeesheen Golaha Barlamaanka ee Dowladda Holland ayay si buuxda isugu raaceen Xeerkaasi, waxaana la filayaa in Sharcigan cusub la hor geeyo Golaha sare ee Odayaasha dalkaasi si ay qalinka ugu duugaan.

Xeerkani wuxuu mamnuucaya in hablaha xiran indha shareerka in iyagoo sita Niqaabka ay tagaan meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan sida dhismayaasha dowladda, goobaha laga raaco basaska, Iskuullada iyo Isbitaallada, wuxuu sidoo kale xeerkani saameynayaa dadka xirta Koofiyadaha daboola madaxa iyo wejiga.

Dumarka Muslimaatka ah ee xirta indha shareerka ee ku nool  dalka Holland ayaa ka cabsi qaba saameynta uu ku yeelan doono Sharcigan cusub ee maalintii shalay uu meel mariyay Baarlamaanka dalkaasi, iyadoona Ururada u dooda xuquuqda Muslimiinta ee ku nool dalka Holland ay durbadiiba soo saareen Bayaanno ay ku dhaleeceynayaan tallaabta uu qaaday Baarlamaanka Wadankaasi.

Xeerkani cusub wuxuu dhigayaa in ganaax dhan 405 euro oo dhiganta (430) doollar oo lacagta Mareykanka ah in lagu ganaaxi doono qofkii jebiya Sharcigani, waxaana dhaqan galkiisa uu billaaban doona marka ay si ansixiyaan Golaha sare ee Senate-ka

Dowladaha Faransiiska iyo Biljamka ayaa horey usoo saaray Sharciyo ay ku mamnuucayaan xirashada Niqaabka ee lagu qaato goobaha ay bulshadu isugu timaado, iyadoona dowlado kale oo ka tirsan Qaaradda Yurub ay qorsheynayaan inay qaadaan taallaabooyin kuwaas la mid ah oo ay ku mamcnuunayaan xirashada indha shareerka.

 

 

Comments are closed.