Akhriso Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Bayaan Adag Kasoo Saartay Dhibaatada Lagu Hayo Muslimiinta Barma.

taliban_white_flag_border-310x165 imaarada afghanistanMuddo sanado ah, Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Burma waxay wajahayeen dulmi iyo xadgudub kaga imaanayo cadowga Alle iyo hogaamiyeyaashooda mayalka adag. Muslimiintan taagta daran ee mustadcafiinta ah waxay foodda geliyeen dulmi iyo xasuuq ba’an tobanaankii sano ee ugu dambeysay , iyadoona waxa lagu heysto ay tahay kaliya in ay Muslimiin yihiin, sidoo kalena ay rumeeyeen in Alle uu yahay midka kaliya ee xaqqa lagu caabudo, Nabi Muxamed-na yahay Rasuulkiisa Salallaahu Caleyhi Wasalam.

وما نقموا منهم الا ان یؤمنوا بالله العزیز الحمید. البروج ۸

Haddii dadka muslimiinta mustadcafiinta ah ee Burma ay horay u martigeliyeen halis, gumaad, jirdil, in nolosha lagu gubo iyo in hantidooda la bililiqeysto, markan waxay dowlada mujrimadda ah ee Burma qaaday olole balaaran oo ay ku geysaneyso xasuuq bahalnimo oo ka dhan ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Burma, taas oo ah mid ay ku doonayaan in ay gabi ahaanba wadanka kaga tirtiraan Muslimiinta. Waxay si isku mid ah u gubayaan guryaha iyo xaafadaha dadka Muslimiinta, waxay boobayaan hantidooda, waxay gowracayaan caruurtooda, iyagoo sidoo kalena gumaadaya ragooda, iyagoo ku dilaya hababaka ugu argagaxa badan. Sidoo kale waxay ku kacayaan kufsi iyo gaboodfallo ka dhan ah dumarka Muslimaatka ah.

Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay si kulul u eedeyneysaa falalkaas wuxuushnimo ee uu ku kacayo nidaamka wadanka Burma, waxayna guud ahaan umadda muslimka ah ugu baaqeysaa in ay qaadaan talaabo waliba oo ay ugu gurman karaan, kuna bad-baadin karaan walaaladooda Muslimiinta reer Burma ee la dulmiyey.

Aamusnaanta waxa loogu yeero QM iyo hay’adaha isku magacaabo xuquuqul Insaanka iyo sida ay indhaha kaga fiirsanayaan xasuuqqa lagu hayo muslimiinta Burma waxay banaanka soo dhigeysaa siyaasadda munaafaqnimada iyo laba wejiilanimada ee hay’adahan. Si kastaba Umadu waa in aysan waqtiga isaga luminin in ay sugto hay’adahan, ayna gacmaha u furaan walaaladooda la dulmiyey ee muslimiinta ah ee uu Iimanku mideeyey.

 Halkan Ka Akhriso Bayaanka Oo Carabi Ah.

Calamada.com

Comments are closed.