Dagaal Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Shabeelada Hoose.

dagaalka culus habeenWararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in habeenkii xalay dagaal culus ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Numbar-50 ee gobalkaasi.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen fariisin halkaasi ay ka sameysteen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Hubka culus iyo midka fudud ayaa la isku adeegsaday dagaalka’waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in dagaalkan uu ka mid noqonaya dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe halkaasi ka dhacay.

Warar hoose ayaa sheegaya in tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka culus ee habeenkii xalay ka dhacay agagaarka deegaanka Numbar-50.

Dagaalkan waxa uu imaanayaa xilli dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay sideed askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe.

Calamada.com

Comments are closed.