Faahfaahino Laga Helayo Xildhibaan Lagu Weeraray Magaalada Kaabul.

qaraxa-kaabul-xildhibaanWaxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afghanistan lagula beegsaday xildhibaan ka tirsan maamulka daba dhilifka dalkaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari uu la socday xildhibaan lagu magacaaba Fakuri Beheshti oo ah xildhibaan laga soo doortay gobalka Bamyan ee dalka Afghanistan.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in xildhibaanka dhaawac culus uu soo gaaray waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday shan xibnood oo xildhibaanka la socotay oo u badan ilaaladiisa gaarka ah.

Sidoo kale burbur xoogan waxa uu soo gaaray gaarigii uu watay xildhibaanka qaraxa lagula beegsaday dhanka Galbeed ee magaalada Kaabul.

Mas’uuliyadda qaraxa lagu weeraray xildhibaankan ee ka dhacay magaalada Kaabul waxaa sheegtay Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.