Shil Gaari Oo Ka Dhacay Degmada Waabari.

gaari-xamuul-ahGaari nooca xamuulka qaada ah ayaa moota Bajaaj ku jiiray xaafada Afisyooni oo ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho’iyadoona shilkan gaari uu ka dhashay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay shilkaasi gaari waxa uu sababay dhaawaca labo ruux oo shacab ah oo dhaawacyadooda culusyihiin kuwaasi oo qeyb ka ah rakaabkii la socday Mootada Bajaajta.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay goobaha caafimaadka’mootada Bajaajta ayaa si aad ah u burburtay maadaama uu jiiray gaariga xamuulka ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan shilalka gaari taasi oo sabab looga dhigayo ciriiri ka jira wadooyinka maamaada ciidamada Kufaarta Afrikaanka iyo kuwa dowlada Ridada federaalka inta badan ay u xiranyihiin wadooyinka Mudiqsho kuwaasi oo ay dhagaxaan ku jarteen.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.