Maleeshiyaatka Liyuu Boolis Iyo Kuwa Puntland Oo Dagaalamay.

ciidamada-liyuu-boolisWararka ka imaanaya gobalka Mudug ee bartamaha dalka Somali waxey sheegayaan  in iska hor’imaad xoogan deegaan ka tirsan gobalkaasi ku dhexmaray maleeshiyaatka Liyuu booliska ee maamulka Jigjiga iyo kuwa maamulka Puntland.

Deegaanka ay ku dagaalameen labada maleeshiyo ayaa lagu magacaabaa Dundun oo ah deegaan ka tirsan ka tirsan gobalka Mudug oo dhaca xad beenaadka u dhaxeeya gobalka Mudug iyo dhulka Itoobiya xooga kaga heysata Somali.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in la dilay saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland’iyadoona tiro askar ah ay labada dhinac iska dhaawaceen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka Ridada Liyuu Boolis weerar kusoo qaadeen goob MCH-ah oo maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ka dhisayay deegaanka Dundun ee gobalka Mudug.

Calamada.com

Comments are closed.