Qarax Shisheeyaha Lagula Beegsaday Deegaanka Calamada.

taw gubtayQarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay wadada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Miinada dhulka lagu aasa ayaa lala beegsaday gaari Taw ah kaasi oo ka mid ahaa kolanyo gaadiid ah oo shisheeyaha wateen waxa uu qaraxa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Calamada ee degmada Lafoole.

Gaariga Taw-ga ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaan uu burburay’waxaa sidoo kale qaraxa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo shisheeyaha la socday kuwaasi oo saarnaay gaariga Taw-ga ah.

Maalintii shalay ayeey aheed markii qarax ciidamada Kufaarta Burundi lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay Shan askari oo ka tirsan kuwa Burundi waxaa sidoo kale lagu gubay gaari Beebo ah.

Calamada.com

 

Comments are closed.