Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Gudaha U Galay Degmada Afgooye.

Mujaahidiinta kamiinCiidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal culus ku qaaday degmada Afgooye oo ka mid ah goobaha shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka laga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta gudaha usoo galeen xaafadaha degmada Afgooye’iyadoona maleeshiyaatka dowlada federaalka ay ka carareen fariisimo badan oo ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha hordhaca ah ee maleeshiyaatka dowlada kasoo gaartay dagaalka culus ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen degmadaasi.

Calamada.com

Comments are closed.