Dad Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shilal Gaari.

Gaari-Bl-ah muqdishoSaacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay shilal gaari oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay tiro dad shacab ah.

Mid ka mid ah shilalkan gaari waxa uu ka dhacay gudaha degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho’waxa uu shilkan yimid kadib markii uu fariin goostay gaari si xowli ah ku socday oo marayay dalcada buundada labaad.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay labo ruux oo haween ah tiro kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo u badan dad dhaawacyadooda fududyihiin.

Shilka labaad waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho uu sababay dhaawaca ilaa iyo afar ruux oo qeyb ka ah bulshada ku dhaqan degmada Wadajir.

Maalin ka hor ayeey aheed markii gaari Xamuul ah oo gudaha degmada Waabari ku jiiray Mooto Bajaaj ah oo dad shacab ah la socdeen taasi oo sababtay burburka Mootada iyo dhaawaca labo ruux oo la socday mootada Bajaajta ee burburtay.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

 

Comments are closed.