Sarkaal Lagu Dilay Gobalka Qandahaar.

afghanistan-khariidad5743663Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay gobalka Qandahaar oo ka mid ah gobalada ugu waaweyn dalka Afghanistan.

Weerarka qorsheysan waxa uu sigaar ah kaga dhacay magaalada Qandahaar oo ah xarunta gobalka Qandahaar’waxaa weerarka lala beegsaday madaxa Mukhaabaraadka maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan ugu magacaaban magaalada Qandahaar.

Sarkaalka la weeraray oo la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Alfowr oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan oo qoraal kooban ku baahiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi lagu dilay mid ka mid ah howlgaladaasi.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka Sheekh Dabiixullaah Iyo Howlgaladii Ugu Dambeeyay Ee Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.