Dowlada Burundi Oo Ku Hanjabtay Iney Ciidamadeeda Kala Baxeyso Somali.

nikurinziza-burundiMadaxweynaha dowlada Burundi gaalka lagu magacaaba NikurinZiza ayaa ku hanjabay inuu la bixidoona ciidamada dowladiisa ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo bartamaha Somali.

NikurinZiza ayaa sheegaya iney dowladiisa qorsheyneso sidii ay ula soo bixi laheed 5500 askari oo ka mid ah askarta Nasaarada Burundi ee kusoo duulay dalka Somali.

Gaalkan ayaa ku hanjabay hadii ciidamada ka jooga Somali bishaan la siinwaayo wax mushaar ah inuu tilaabadaasi ku dhaqaaqi doona’isagoona carabaabay in ciidamada Burundi ee duulaanka ku jooga Somali wax mushaar ah lasiinin muddo 11 bilood oo xiriir ah.

Askarta Nasaarada Burundi ayaa ka mid ah Kufaarta Afrikaanta ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo bartamaha dalka Somali’askarta Burundi ayaa weeraro xasuuq ah dhowr jeer kala kulmay dhanka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida dagaalkii Leego iyo Macrikadii Dayniile oo labaduba lagu xasuuqay boqolaal askari oo Burundeys ah.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.