Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Qof Shacab Ah Hiiraan Ku Dilay.

jalalaqsi cnterWararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somali waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah ku dileen degmadaasi.

Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada ayaa qof shacab ah si bareer ah ugu toogtay goob qaadka lagu iibiyo oo ku taala dhanka galbeed ee degmada Jalalaqsi’iyadoona ruuxa shacabka isla goobta uu ku geeriyooday.

Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Jalalaqsi ayaa si aad ah uga carooday dilka maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ka geysteen degmadaasi oo ka mid ah degmooyinka ciidamada Murtadiinta Jabuuti duulaanka kaga suganyihiin gobalka Hiiraan.

Maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa shisheeyaha ayaa si joogta ah u dila dadka shacabka ee ku dhaqan goobaha ay kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.

Calamada.com

Comments are closed.