Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Villa Somali6546578456621444Maleeshiyaat ka wada tirsan ilaalada dhanka amaanka ee dhisamaha xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaaka waxa uu iska hor’imaad xoogan ku dhexmaray gudaha iyo banaanka dhismaha Villa Somalia.

Inta la xaqiijiyay maleeshiyaatka dowlada waxey iska hor’imaadkaasi isaga dileen saddex xubnood oo kala ahaa labo askari iyo Sarkaal.

Sarkaalka ay iska dileen maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa ahaa taliye ku xigeenkii dhanka amaanka ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Qoor-gaab.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo iyaguna dhankooda qeyb ka ah askarta wax ka ilaaliso amaanka madaxtooyada ayaa kaliya indhaha ka geenayay maleeshiyaatka ku dagaalamay gudaha madaxtooyada.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.