Ciidamada Jabuuti Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Degmada Jalalaqsi.

jabuuti-murtadiinWararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Murtadiinta Jabuuti gudaha degmada Jalalaqsi ku dileen tiro dad shacab ah.

Ciidamada Jabuuti ayaa si bareer ah dhanka Galbeed ee degmadaasi ugu toogtay labo ruux oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Labada ruux oo ah rag ayaa xilligii la dilayay la socday Mooto kuwaasi oo ku sii jeeday beer ay ka tacbanayeen duleedka degmadaasi’iyadoona ciidamada Jabuuti si ula kac ah u toogteen labadaasi ruux ee shacabka ah.

Maalintii shalay ayeey aheed markii askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah gudaha degmada Jalalaqsi gaar ahaan dhanka galbeed ee degmada ugu toogtay ruux ka mid ahaa shacabka degmadaasi.

Dhawaan ayeey aheed markii ciidamada Kufaarta Uganda si bareer ah duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose si bareer ah ugu xasuuqeen tiro dad shacab ah oo gaari Hoomey ah la socday.

Calamada.com

Comments are closed.