Gaari Taw Ah Oo Shabeelada Hoose Lagu Gubay.

taw gubtayWararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbariweyne oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in miinada ay burburisay gaari Taw ah’waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar shisheeyaha ka tirsan.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii askarta shisheeyaha gaari Taw ah looga gubay qarax lagula beegsaday deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.

Calamada.com