Masjid Ku Yaala Dalka Kanada Oo La Wareeray.

KanadaUgu yaraan 5 qof ayaa dhimatay tiro kalena wey dhaawacmeen kadib markii ilaa 3 qof oo hubeysan ay rasaas bareer ah ku fureen goob masjid ahayd oo ay ku dukanayeen ilaa 40 qof oo muslimiin ah.

Wakaaladda wararka ee Roytaris oo soo xiganeysa goob jooge ayaa waxay sheegtay in ilaa 3 qof ay beegsadeen masjidka oo ku yaalla magaalada lagu magacaabo Kiibiik ayna ku fureen rasaasta ka dhacda qoryaha boobaha loo yaqaano.

Booliska dalka Kanada war uu ka soo saaray arrintaasi ayaa waxa uu sheegay inay qabteen 2 qof oo ay ku tuhunsanyihiin inay ka dambeeyeen weerarka ayna su’aalo weydinayaan.

Labo maalin ka hor ayeey aheed markii dad Nasaara ah ay gubeen Masjid ku yaala gobalka Texas ee dalka Mareykanka.

Calamada.com

Comments are closed.