Askar Dowlada Federaalka Looga Dilay Beledweyne.

beledweyneWararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii xalay qarax uu ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Horseed ee dhanka Bari magaalada Beledweyne kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka tiro kalane lagu dhaawacay.

Goobta qaraxa waxaa soo gaaray maleeshiyaat fara badan oo dowlada federaalka ah kuwaasi oo furay rasaas fara badan oo qalqal xoogan ku abuurtay shacabka degmadaasi mana jirta wax khasaara naf iyo Maal ah oo shacabka kasoo gaartay rasaastaasi.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli galinkii dambe ee shalay qarax ka dhacay deegaanka Buurane duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay 2 askari shan kalane lagu dhaawacay kuwaasi oo gabi ahaantooda ka mid ahaa maleeshiyaatka dowlada federaalka.

Calamada.com

Comments are closed.