Dhageyso Wilaayada Islaamiga Galgaduud Oo Bogaadisay Weerarkii Kulbiyow.

sh xasan yacquub caliIyadoo afar maalin ka hor deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbada hoose uu ka dhacay weerar culus oo si ba’an loogu xasuuqay ciidamada Nasaarada Kenya waxaa isasoo taraya bogaadinta ku aadan weerarkaasi.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kalimad ka jeediyay Masjidka Jaamca ee wilaayada Galgaduud ayaa si aad ah u bogaadiyay weerarkaasi taariikhda galay.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa xusay in isagoo ku hadlaya magaca wilaayada iney si aad ah u bogaadinayaan soona dhaweynayaan xasuuqii ciidamada Kenya loogu geystay deegaanka Kulbiyow.

Waaliga ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi sidoo kale daawo u yahay cid kasta oo askarta Nasaarada Kenya ay dhibaateeyeen sida dadka ku dhaqan deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan wilaayaatka Gedo’Jubbooyinka’dadka Muslimiinta ee ku dhaqan dhulka Kenya xooga kaga heysata Somliya iyo guud ahaan gudaha dalka Kenya.

Halkan Ka Dhageyso Bogaadinta Wilaayada Galgaduud.

Calamada.com