Askari Ka Tirsan Ilaada Gaarka Cabdi Wali Gaas Oo Dhintay.

maleeshiyaatka Puntladn gaasWararka ka imaanaya degmada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay uu dhintay askari ka tirsanaay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha maamulka gaala raaca Puntland ninka lagu magacaaba Cabdi Wali Gaas.

Dhimashada askarigan ayaa yimid kadib markii uu ka dhacay am aka faniinay gaari uu lasocay oo qeyb ka ahaa gaadiid ilaalinayay Cabdi Wali Gaas kuwaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Qardho iyo Banadarbeyle.

Sidoo kale wararka kale oo laga helayo wadadaasi ayaa sheegaya in askari kale oo isagana ka mid ah ilaalada Cabdi Wali Gaas dhaawac culus uu soo gaaray kadib markii isagana uu ka dhacay gaariga oo si xowli ah ku socday kaasi oo dhaawaciisa la dhigay isbitaalka degmada Qardho.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamulada u adeega dowlada Xabashida Itoobiya ee maamulka Tigreega Itoobiya uu ka dhistay gudaha dalka Somaliya.

Calamada.com

Comments are closed.