Ciidamada Shisheeye Oo Qof Shacab Ah Dilay.

ugandaSaacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Afrikaanta waxey si bareer ah qof shacab ah ugu dileen deegaan ka tirsan gobalka Shabeelada hoose oo dhaca Konfurta dalka Somaliya.

Qofka shacabka ah waxey ciidamnada Shisheeye ku dileen deegaan dhaca wadada isku xirta degmooyinka Walanweyn iyo Afgooye oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose kaasi oo si bareer ah Kufaarta u dileen.

Kolanyadan shisheeyaha ah ee dalka geystay ayaa ka baxay degmada Afgooye iyagoona ku sii jeeday dhanka degmada Walanweyn oo ka mid ah goobaha shisheeyaha iyo maleeshiyaatka la socda duulaanka kaga suganyihiin gobalkaasi.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa caada ka dhigtay iney si bareer ah rasaas ugu dilaan ama gaadiidkooda u jiirsiiyaan dadka shacabka.

Calamada.com

Comments are closed.