Faahfaahino Laga Helayo Qarax Sarkaal Lagu Dilay.

murtadiin saraakiil iyo maleeshiyaatkaWaxaa sii kordhaya khasaaraha dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay weerar qarax ah oo habeenkii xalay lala beegsaday goob ay ku qayilayeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay sarkaal ka tirsan maleeshiyaatka Milatariga dowlada federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Baddal waxaa sidoo kale sarkaalkan lala dilay afar askari’iyadoona tiro kale oo maleeshiyaatka dowlada ah ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay labo sarkaal oo ka tirsanaay saraakiisha dowlada federaalka u geeriyoodeen dhaawacyo kasoo kala gaaray weerarkii hoteel Dayax ee magaalada Muqdisho iyo qarax ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.