Garbahaareey Oo xalay gudaha Loo galay Iyo faah faahin laga helayo dagaalkii Jubooyinka

Filed under: News |

Iyadoo xalay saacaddu marka saddex saac oo habeen nimo Mujaahidiinta ay weerar ku qaaden duleedka degmada Afmadoow oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka kenya ayaa waxaa soo baxaysa qasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Ilo wared aanu ka soo xiganeyno dhanka cadowga ayaa xaqiijinaya in weerarkii xalay ee Afmadoow duleedkeeda Mujaahidiinta ay ku qaadeen uu ahaa mid qasaare lagu gaarsiiyay cadowga iyagoo sheegay in askar badan ay ku waxyeeloobeen waloow ay ka gaabsadeen qasaaraha rasmiga Iyo tiro koobka askarta ku halaagsantay.

Dhanka kale xalay Mujaahidiinta WI Gado waxay dagaal culus dhankooda ku qaadeen degmada garbahaareey halkaasi oo fariisin u ah maleeshiyaad Iyo ciidamo ka tirsan Kenya waxaana dagaalku uu socday in muddo ah iyadoo Mujaahidiinta ay noo xaqiijiyen inay kala ceyriyeen askartii maleeshiyaadka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Mujaahidiinta oo an wax ka weydiinay ayaa sheegay in Mujaahidiinta ay ka oo baxeen degmadaasi xilli waagu soo dhawaa isagoo intaasi in gacanta lagu dhigay qaniimo laga helay cadowga askar badanna lagu laayay.

Maleeshiyaadkii ku sugnaa Garbahareey waxa uu waagu ugu baryay iyagoo ku aruuray xerada WFp loo yaqaano dhinacyada kale ee magaaladana ay maamulayan ciidanka Muslimiinta.