Akhriso Maxey Salka Ku Heysaa Is-casilaada Cabdi Kariim Guuleed?.

guuleedMadaxweynihii maamulka gaala raaca isku magacaabay Cabdi Kariim Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi.

Guuleed oo soo saaray warqad qoraal ah ayuu is casilaadiisa sabab uga dhigay arimo caafimaad,balse iscasilaadiisa ayaa imaaneysa xilli dhowr todobaad ka hor xildhibaanada maamulka Galmudug ay ku dhawaaqeen iney xilka madaxweynaha ka qaadeen Cabdi Kariim Guuleed.

Cabdi Kariim Guuleed hadii uu isku casilay arimo caafimaad muxuu u aqbali waayay xilka qaadistii kal hore ay ku sameeyeen xildhibaanada maamulka dowlada Itoobiya dhisatay ee Galmudug?.

Sababta ugu culus ee Guuleed isku casilay ayaa ah inuu waayay garabweyn oo markii horaba ku hayay kursiga madaxweynaha Galmudug kaasi oo ah Xasan Garguurte oo dhawaan looga adkaaday daroosha madaxweyne oo ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalka Uu Geed Isku Casilay.

IS-CASILAAD

Calamada.com