Khasaaraha Uu Geystay Dabka Suuqa Bakaaraha Oo Sii Korortay.

BAKAARO SUUQWaxaa sii kordhaya khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dab xoogan oo ka kacay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.

Dabka oo socday saacado badan oo xiriir ah ayaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in la damiyo’waxa uu dabkaan geystay khasaara xoogan oo isugu jirta naf iyo maalin.

Inta  la xaqiijiyay dabkan waxa uu sababay dhimashada saddex ruux oo ka mid aheed ganacsatada Suuqa Bakaaraha’sidoo kale dabkan waxaa uu burburiyay hanti fara badan oo tiilay goobaha uu baabi’iyay sida qeybaha Carwo Al-khaliif,Qandalada,Maacuunta iyo qeybo kale oo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Ilaa iyo imika si rasmi ah looma xaqiijin waxa sababay dabka geystay khasaaraha xoogan ee isugu jirta naf iyo maal’waxa uu dambkan noqonayaa midkii ugu khasaaraha badnaay ee dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka kacay suuqa Bakaaraha.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.