Shire Dhageey Oo Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho.

gaariga weerarka 5548Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay maanta beegsadeen mas’uul sare oo ka tirsan Bangiga dhexe ee kooxda ridada Soomaaliya, Iyadoona faafaahin dheeraad ah ay ka soo baxeyso dilka lagu beegsaday Sarkaalkaasi.

Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in weerarka lagu beegsaday nin lagu magacaabo Shire Dhageey oo ka mid ah mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe ka dib markii kamiin loo dhigay gaari uu saarnaa oo ku socdaalayey degmada Boondheere.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in murtadka la beegsaday uu si dirqi ah kaga baxsaday weerarka balse ay goobta dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar ka mid ah ilaaladiisa oo uu ku jiro darawalkii gaariga waday.

Mujaahidiinta ayaa howlgalkaas ka dib sidoo kale kamiin labaad u dhigay ciidamo ka tirsan murtadiinta oo u soo gurmaday gaariga la weeraray, kuwaas oo iyagana la gaarsiiyey qasaare kala duwan.

Geesiyada Islaamka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kordhiyey weerarada iqtiyaalaatka ah ee lagu beegsanayo saraakiil iyo mas’uuliyiinta kooxda ridada Soomaaliya.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.