Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Ku Dhawaaqday Istish-haadka Sheekh Mulla C/salaam.

Mullah cabdi slaamImaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa ku dhawaaqday inuu Shihiiday Waaligii gobalka Qunduuz ee dalka Afghanistan Allaah Shahaadadiisa haka aqbalo Sheekh Mullah Cabdi Salaam oo sidoo kale ahaa qaa’id sare oo dhanka Caskariga ah.

Waaliga ayaa ku shihiiday duqeyn diyaaradaha duuliye la’aanta dowlada Nasaarada Mareykanka saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen qeybo ka mid ah gobalka Qunduus ee dalka Afghanistan.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahidiin ayaa qoraal uu soo saaray ku iclaamiyay Istish-haadka Sheekh Mullah Cabdi Salaam.

Waaliga Shahiiday ayaa ka mid ahaa raggii ugu horeeyay ee garab taagnaay Amiirul Mu’miniin Mullah Muxamed Cumar Raximahullaah xilligii uu bilaabanayay Jihaadka Afghanistan waxa uu sidoo kale ahaa Mas’uul taariikhweyn ku dhex leh jihaadka iyo guud ahaan Muslimiinta.

 Calamada.com

Comments are closed.