Dhageyso Saraakiil Iyo Askar Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Dhaawacay Boosaaso Iyo Gaalkacyo.

saldhiga Puntland1Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka dhan ah maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ka fuliyeen gudaha magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee gobalada Mudug iyo Bari.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar ay ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacyo ay ku dhaawaceen Cabdi Raxman Muxamed Aadan oo ku magac dheer Kilwa kaasi oo ah gudoomiyaha maxkamada darajada Kowaad maamulka Puntland ee qeybta gobalka Mudug.

Sidoo kale Andalus ayaa intaasi ku dartay in weeraro qaraxyo Bambaano loo adeegsaday oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso lagu dhaawacay taliye ku xigeenka ciidamada Birmadka Puntland waxaa sidoo kale sarkaalka lala dhaawacay saddex askari.

Qaraxyadan ayaa lagu weeraray goob Check Point ah oo maleeshiyaatka Puntland ay dhigteen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,dhawaqa qaraxyada Bam ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarada Boosaaso Iyo Gaalkacyo.

Calamada.com

Comments are closed.