Xildhibaanada TFG-da oo ku sii qul qulaya xarunta doorashada Iyo Xaalad cabsi ah oo jirta

Filed under: News |

War naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ay saaka ka socoto qaban qaabo xoog leh oo loogu diyaar garoobayo qabashada doorashada qofkii badali lahaa Shriifka waqtigiisa dhacay.

Wadada aada garoonka diyaaradaha ayaa la sheegayaa in saaka mashuul badan laga dareemayo taasi oo ay ku sii qul qulayaan xildhibaanada golaha dawaaqiida TFG-da isla markana wadada lagu daadiyay ciidan badan oo lagu sheegay inay sugayaan amaanka goobta ay wax ka dhacayaan.

Wariyayaal ku sugan goobta doorashada ayaa waxay noo sheegeen in baaritaanno badan ay ka horreeyaan galitaan xarunta iyagoo intaasi ku daray in goordhaw ay bilaaban doonto codeynta Iyo wixii goobta loogu tala galay inay ka dhacaan.

Iyadoo sidaas amaaka loo adkeynayo ayaa hadana waxaa Muqdisho wali ka socda howl galka Mujaahidiinta waxaana ugu dambeeyay weerarro xalay Mujaahidiinta ay ku qaadeen xarumo ku yaala Muqdisho askarna lagu dilay.

Toos Ula soco Marka ay bilaabato