Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Konfur Galbeed Oo La Dhaawacay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed loogu dhigay wadada isku xirta degmooyinka Qansaxdheere iyo Baydhabo oo ka wada tirsan gobalka Baay.

Xubno ka tirsan maamulka Shariif oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in kamiinkaasi lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan golaha dhawaaqiida maamulka fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo kaasi oo lagu magacaabo Cusmaan Caato.

Sidoo kale weerarkaasi dhabba galka ah waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan maamulka Xabashida Itoobiya ku ilaaliso degmada Baydhabo oo ah xarunta gobalka Baay.

Dhowr jeer ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa duleedka degmada Baydhabo  kamiin ugu dhigay kolanyo isugu jirta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.

Calamada.com

Comments are closed.