Cabdullaahi Gacmo-gaab Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Rag hubeysan waxey gudaha Suuqa xaafada Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Gacmo Gaab waxa uu ahaa madaxii Canshuura Suuqa Siinaay ee degmada Yaaqshiid’iyadoona ragga dilka geystay sarkaalka ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.

Goobta lagu dilay sarkaalka waxaa soo gaaray maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo rasaas fara badan dhinacyada u furay ugu dambeyntiina goobta ka qaaday meydka sarkaalka looga dilay suuqa Siinaay.

Habeen hore ayeey aheed markii howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Waabari ay ku dileen sarkaal ka tirsan nabadsugidda dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.