Sawiro Dufcadii Ugu Horeysay Oo Ka Qalin Jibisay Machad Ay Leedahay Beesha Mursade.

Munaasabad Ballaaran oo ka dhacday Masjidka Jaamaca Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud waxaa lagu soo gaba gabeeyay machad diini oo muddo Labo sano ah u furnaa Beesha Mursade oo ka mid ah beelaha dega gobalka Galgaduud Ee Bartamaha Dalka Somalia.

Machadka oo lagu magacaabo Imaamu Shaafici waxaa munaasabaddii lagu soo xirayay kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan wilaayaatka Mudug iyo Galgaduud’sidoo kale waxaa kasoo qeyb galashay odayaasha dhanka oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Galgaduud iyo gobalada dariska la ah.

Munaasabadda waxaa abaal marino qaali ah lagu gadoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka gashay Imtixaankii Machadka’sidoo kale guud ahaan ardayda qalin jabisay ayaa la gadoonsiiyay Shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Munaasabadda Machadka Beesha Mursade.

Comments are closed.