Sawiro+Akhriso Mujaahidiinta Yemen Oo Bayaan Ku Faahfaahiyay Weerarka Laxaj.

Iyadoo maalmo ka hor weerar isugu jira Istish-haadi iyo Xoog ku gal lagu qaaday xarunta maleeshiyaatka Amniga maamulka daba dhilifka dalka Yemen ay ku leeyihiin gobalka Laxaj waxaa weerarkaasi si faahfaahsan kaga hadlay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee dalka Yemen.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa lagu xusay in weerarkaasi lagu dilay inka badan Soddon isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Ridada Yemen.

Saraakiisha weerarkaasi lagu dilay waxaa ka mid ah madaxii Howlgalada iyo xaaladda degdega gobalka Laxaj ugu magacownaay dowlada Yemen kaasi oo lagu magacaabi jiray Shidaad Al-nakhsi’sidoo kale weerarkaasi waxaa lagu dhaawacay tobaneeya ka tirsan askarta iyo saraakiisha maamulka daba dhilifka Yemen.

Bayaanka ayaa lagu xusay in weerarkaasi xoog ku galka ah loogu aargudayay Shuhadadii ay maleeshiyaatka Amniga daba dhilifka dalka Yemen dhawaan ku dileen gobalka Laxaj iyo guud ahaan dadka Muslimiinta ee xabsiyada ay dhigeen maleeshiyaanka Amniga dowlada Ridada Yemen.

Mujaahidiinta ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirada iyo magacyada Raggii fuliyay weerarka oo ah afar Mujaahid oo lagu kala magacaabo.

1-Abuu Caamir Al-xadhrami oo ah Walaalkii Istish-haadiyada ku galay xarunta oo albaabka u furay raggii Ingimaasiyiinta ahaa ee gudaha u galay xarunta kuwaasi oo xarunta maamulayay inka badan Saddex Saac oo xiriir ah.

2-Al-ingimaasi Jihaad Al-xadhrami.

3-Al-ingimaasi Muwaxid Al-cadani.

4-Al-ingimaasi Hamaam Al-shabwani.

Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka daba dhilifka Yemen’isbaheysiga dowladaha ku duulay dalka Yemen iyo Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ee ku sugan qeybo ka mid ah dalkaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Raggii Fuliyay Weerarka Laxaj.

Halkan Hoose Ka Akhriso Bayaanka Oo Carabi Ah.

Calamada.com

 

Comments are closed.