FBI-da oo Markii Ugu Horraysay Faafisay Sawirro Cusub Oo Ah Weeraradii 11,September 2001.

Markii ugu horraysay muddo 6 sana ah kadib dowladda Mareykanka ayaa baahisay sawirro ku saabsan burburkii ka dhashay weeraradii 11,September 2001.

Qeybta warbaahinta Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa baraha internetka ku faafisay 27 sawir oo banaanka soo dhigaya qeyb yar oo kamid ah burburka baaxadda leh ee gaaray dhimaha wasaaradda G/dhigga.

Sanaddii 2011 ayaa markii ugu horraysay labaahiyay sawirrada muujinaya burburka dhismaha wasaaradda dagaalka kasoo gaaray weeraradii Al Qaacidda ee diyaaradaha rakaabka loo adeegsaday.

Nidaamka G.W.Bush ayaa isku dayay in uu qariyo weerarka lagu qaaday wasaaradda G/dhigga iyadoona dowladda Mareykanka ay sheegi jirtay in wax weerar ah aysan la kulmin dhismaha wasaaradda.

Ururka Al Qaacidda oo mas’uul ka ahaa weeraradii New York iyo Washington ayaa sheegay in boqolaal askar iyo saraakiil Mareykan ah uu ku dilay weerarkii lala beegsaday dhismaha wasaaradda G/dhigga.

Diyaarad rakaab ah oo nuuceedu  ahaa Boing 77 oo kasoo amba baxday gobolka Virgenia ayaa lagu dhuftay dhismaha wasaaradda dagaalka waxaana burburay daqbaqyada koowaad iyo 2-aad ee wasaaradda.

Qeybta Dab damiska wasaaradda Gaashingga waxay sheegeen in 184 qof oo ahaa shaqaale melleteri ay ku dhinteen weeraradii Al Qaacidda ee Pentigon-ka.

Dad badan ayaa aaminsan in FBI-da ay qarinayso sawirrada ugu muhiimsan ee muujinaya burburka baaxadda leh ee weeraradii 11/9 kasoo gaaray xarunta laga maamulo awoodda melleteriga Mareykanka.
رجال الطفاء يحاولون اطفاء النيران المشتعلة في موقع اصطدام الطائرة
استخدمت خراطيم المياه المحمولة على عربات الاطفاء للسيطرة على الحريق
سميت هذه الصورة نظرة الى
تظهر في هذه الصورة التي تحمل عنوان
وجاءت هذه الصورة تحت العنوان نفسه محملت هذه الصورة من الصور التي نشرها مكتب التحقيق الفيدرالي الأمريكي عنوان
حطام الطائرة التي ضربت البنتاغون
فرق بحث وانقاذ تفحص موقع الاصطدامم
محققون يجرفون الرماد بعد اطفاء الحريق داخل المبنى

Comments are closed.