Daawo Difaacyadii Ciidamada Xabashida Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur.

Waxaan idiin soo gudbineynaa qeybtii Labaad Sawiro laga soo qaaday magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud taasi oo afar maalin ka hor ay isaga carareen ciidamadii Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku joogay.

Qeybtan waxaan idiin kugu soo gudbineynaa Sawiro laga soo qaaday difaacyadii ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen degmada Ceelbuur mudadii saddex-da sano aheed ee duulaanka ay ku joogeen degmadaasi.

Askarta Xabashida Itoobiya ayaa inta badan burburiyay difaacyadooda inta aysan ka bixin magaalada Istiraatiijiga ah ee Ceelbuur oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Gudaha difaacyada Xabashida waxaa loogu tagay oo qeybta  hoos ee Sawirada idiin kaga muuqanayo Raashiin ay keentay dowlada Turkiga kuwaasi oo Juwaanada korkooda lagu soo qoray iney tahay deeq ka timid dadka Turkiga oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed balse waxaa raashiinkaasi si toos ah ula wareegay oo isticmaaliyay ciidamadii Xabashida Itoobiya ee ku sugnaay degmada Ceelbur.

Halkan Ka Daawo Sawirada Difaacyadii Xabashida Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur.    

 

Calamada.com