Sawiro Gudiga Gurmadka Abaaraha Wilaayada Mudug Oo Raashiin Ka Qeybiyay Xarardheere.

Gudiga gurmadka Abaaraha Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay raashiin qeybin ka sameeyay fagaara weyn oo ku yaala magaaalda Xarardheere.

Wilaayada ayaa raashiinka u qeybiyay boqolaal qoys oo ku dhaqan magaaalada iyo deegaanada hoosyimaada kuwaasi oo ay saameysay abaarta ka jirta gobalada dalka Soomaaliya.

Qoysaska Raashiinka loo qeybiyay ayaa gaaraya (724) Todobo Boqol iyo Labaatan Iyo Afar Qoys oo ku kala nool Magaalooyinka Xarardheere iyo Jowla iyo sidoo kale deegaanada kala ah Caad’Dumaaye’Ris’Dhalwo’ILbir’Baraag Hurdaaye iyo Daba Gallo.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Raashiin Qeybinta Xarardheere.

Calamada.com

Comments are closed.