Shabaabul Mujaahidiin Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Qoryooley.

Jabhada dagaalka WI Sh.hoose oo maalmihii lasoo dhaafay sii kordhiyay weerarada ay kubeegsanayaan xarumaha cadowga ayaa dagaal siweyn loo qorsheeyay kuqaaday fariisimaha cadowga ay kuleeyihin degmada Qoryooley iyo duleedkeeda.

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh.hoose ayaa kuwaramaya in ciidamada mujaahidiinta ay si toos ah ula wareegeen dhamaan xarumihii cadowga kadib dagaal mudo qaatay oo gudaha degmadasi kudhexmaray mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka kooxda ridada somalia.

sedex saacadood oo xiriir ah ayay ciidamada mujaahidiinta kusugnaayeen gudaha degmadasi kuwaasi oo baartiaano dhameystiran kusameeyay xarumaha cadowga iyo qaar kamid ah xaafadaha degmadasi.

Maleeshiyaadkii ka firxaday Qoryooley oo naf ka raadiyay gaalada dagan duleedka degmadaasi ayaa markale la kulmay dagaal agaasiman oo ciidamada mujaahidiinta ay qorsheeyeen in cadowga lagu halaago.

dhimasho iyo dhaawac badan ayaa kadhashay dagaalka inkastoo aan wali lasoo gaarsiin idaacada andalus numberka saxda ah ee qasaaraha cadowga hase yeeshee saraakiisha mujahidiinta waxay xaqiijiyeen in qoryaha garbaha laga rido lala helay mid kamid ah teendhooyinka taliska u ah kuffaarta afrikaanta oo la rumeysan yahay in ay u aheyd keydka lagu xareeyo sahayda iyo rasastaba.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.