Qarax Ka Dhacay Degmada Waabari Ee Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bambaanada nooca gacanta laga tuura ku qaaday saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Dhaawaqa qaraxa ayaa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan degmada Waabari’iyadoona la xaqiijiyay in Bambka uu ku qarxay gudaha saldhigaasi.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada kasoo gaartay weerarka Bambka ah ee lagu qaaday saldhiga degmada Waabari.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay sarkaal ka tirsanaay Nabadsugidda oo lagu magacaabi jiray Ceydiid lagu dilay gudaha degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.