Ciidamada Shisheeye Oo Dad Shacab Ah Rasaaseeyay.

Kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta waxey saacadihii lasoo dhaafay duleedka magaalada Muqdisho ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Shisheeyaha ayaa gaari dad shacab ah la socdeen ku rasaaseeyay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhaawacmay Afar ruux oo ka mid ah shacabkii la socday gaariga ay Kufaarta AMISOM ku rasaaseeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidamada Shisheeye kula dhaqaaqaan dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.