Diyaarad Ciidan Oo Ku Burburtay Dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalkaasi ay ku burburtay diyaarad ciidan oo Elecobtar ah.

Diyaaradda ayaa ku dul burburtay deegaan ka tirsan gobalka Maryland ee dalka Mareykanka taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Inta laxaqiijiyay burburka diyaaradaasi waxaa ku dhintay hal ruux Labo kalane weey ku dhaawacmeen’sidoo kale waxaa gabi ahaan burburtay diyaarada oo soo dhacday xilli ay ku jirtay hawada magaaalda Leonardtown ee gobalka Maryland.

Sarkaal ciidan oo u hadlay dowlada Nasaarada Mareykanka ayaa xaqiijiyay burburka diyaaradda waxa uu intaasi ku daray in hal ruux shilkaasi ku dhintay Labo kalane ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah dhaawaciisu culusyahay.

Calamada.com