Mustaf Maxamuud Oo Lagu Dilay Magaalada Beledweyne.

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay dil qorsheysan.

Dhanka Galbeed ee xaafadaha magaalada Beledweyne waxey rag hubeysan ku dileen mid ka mid ah ergooyinkii soo dhisay xildhaabanada dowlada Ridada federaalka gaar ahaan qeybta lagu soo dhisay magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Odaygan ergada ka mid ahaa ee lagu dilay magaalada Beledweyne waxaa lagu magacaabi jiray Musdhafa Maxamuud Dhicisow kaasi oo ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.

Soddonmeeyo ka mid ah Ergooyinkii soo dhisay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada federaalka ayaa waqtiyo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Calamada.com

Comments are closed.